Somaliand haday qaado talaabooyinka waxay helaysaaa
ictiraaf degdeg ah.
Lasoo mar wakhtiyo Adag iyo Jiilaal daba dheeraaday,
lasoo mar murugo iyo uur kutaalo kala duwan, lagama sheekayn karo dhacdooyinkii
foosha xumaa ee lasoo maray, waxaa dhacay wixii dhacay.
Marka u horeysa waxay mahadi usugnaatay ilaahay ,
marka Xigana Nebigeena suuban (N.N.K.H) .
Waxaan kaloo umahad celinayaa dhamman shacab waynaha
Somaliland ee Nabadda iyo horumarka jecel, dhammaan Bahwaynta saxaafadana wan u
mahad celinyaa si ay ugu heelan yihiin maalin iyo habeen shacabkooda.
Waxaan jeclaan lahaa in aan maqaalkan kaga hadlo sida ugu fudud ee lagu midayn karo beelaha
wada degan Somaliland.
Dhulkii la odhan jirey Somali protectorate waxaa
deganaan jirey beelo kala duwan , Gumaystunaha uu ukala sameeyey xad beeleedyo.
Beelkastaana ay lahayd xuduud ugaar ah oo wax laga waydiiyo dhulkaas.
Tusaale maxamuud cali shire Suldaankii Beesha
Warsangeli ( harti) waxaa
uu maamuli jirey dhamaan gobolka Sanaag oo dhan isaga ayaa wax laga waydiin
jirey oo suldaan u ahaa, inkastoo dadka qaar ay dhehaan xad kiisu wuxuu ahaa Gar-adag.
Dhulka Sanaag Bari ee suldaanka
beeshiisu degantahayna Gumaystuhu Mategijirin Heshiis ayaa kayaalay.
Dhanka kale Gobolka Soolna Wuxuu Ahaa Lama galay oo
waxaa fadhiyay Seyidkii oo Gumaystuhu wuu kuyaraa. Waxaa kaloo jirey Garaad
dadii Dhulbahante oo iyana ahaa rag dhulkoodu u xadaysan yahay .
Dhanka waqooyi
, sida hargaysa Burco , berbarana waxaa fadhiyay madaxda Gumaystaha oo waxay
ahaayeen xurumaha uu ka arimiyo.
Intas taas faalo iyo hogatusaalayn dheh, hadal badan
haan mabuuxshee hadii aan maqaalka ujeedkiisa si toos ah u dhexgalo
, Talo Toosin iyo Tusmayn ah oo ka soo maaxatay,
Maskax Taban, oo Tebaysa cadaalad Tayaysan oo ka Tisqaada Geyiga somalida. Taladani
waxay Tiraysaa, Tacadiga, Tunbuurka, Tafaraaruqa iyo kala Taga ka jira Somaliland.
Somaliand haday qaado talaabooyinka waxay
helaysaaa ictiraaf caam ah, oo cadaalad ku caan baxa.
1) Waa
in ay dib laysugu yeedhaa dhaamman beelaha wada dega dhulka Somaliland.
Oo ay ka mid yihiin
·
Samaroon ( gudabiirsay)
·
Isaaq
·
Warsangeli
·
Dhulbahante
·
Gabooye.
2) Sanduuqyada
codbixintu ama goobaha codbinta ee
diiwaan gashan waa in beelaha bariga saami sax ah oo u qalma lasiiyaa sida
gobolada waqooyi oo kale, waayo waxaad arkaysaa, miyi (Baadiye) cidla ah oo
sanduuqyo ku qoran yihiin, halka gobolada barigana aad ka arkayso magaalooyin
caadi ah oo aan diiwan gashnayn oo aan lagaba codayn.
3) Rag
xilkas ah oo hanankara rabitaanka shacabkooda, waxna ka dhaadhicinkara oo aan fadhiisan hargaysa e
taga gobolada ay kasoo jeedan, waa in xilka loo magacaabaa.
4) Waa in la joojiyaa kelmadaha Mujaahid, Faqash
waayo, Kelmada Faqash shacabka reer hargaysa iyo burco waxay u yaqaaniin
daaroodka , daroodna way kula leeyihiin Somaliland.
Mujaahid,dad badan ayaa jira oo
jabhadii SNM Ka mid ahaa ama shaadhkeedii huwanaa oo laayay shacab aan waxba
galabsan, dhacay ama bililiqaystay. Markaa dadka qaar waxayba u arkaan in la
faaninayayo ragii aabayaashood laayay.
5) Mashaariicda
ay helaan gobolada beesha dhexe degto ,waa in ay helaan gobolada beelaha kale
degaan.
6) ciidamada
sooca ah ee beesha dhexe ee jooga lascanood, Borama iyo Sanaag , beelaha kale
waxay u arkaan duulaan cad oo ay sooqaaday beeshaasi. Markaa waa in laysku dhafaa oo ciidamada
gobolada barigana lageeyaa hargaysa ,togdheer iyo saaxilba.
7) xilalka
sarsare ee beesha dhexe isku koobtay waa in beelaha kale wax laga siiyaa , sida
jananka ciidamada , G.uurtida. G.baarlamanka.
Iyo wasiirada A ah .
hadii aan intaas waxba laga fulin
ictiraafna kaa dheer, beelaha bariguna way is bahaysan doonaan oo waxay difaaci
doonaan midnimada somaliya ,caalamkuna wuu ogyahay sida wax yihiin.
8) Maalinta
18 may waa in lajoojiyaa oo lagu bedelaa maalintii aynu gumahaystaha ka
xorawnay ee 26 June waayo dadka wada dega kama raali aha 18 may, hadaba si loo
arko maalin lawada leeyahay waa in maalintaas loo asteeyaa iyada ayaa caafimaad
qabteee.
Qore:
eng:Galaydh Farah Ahmed
Young Politician