(Lasoo mar waqtiyo adag iyo jiilaal dheeraadey, lasoo mar
murugo iyo uur kutaallo kala duwan, lagama sheekayn karo dhacdooyinkii foosha
xumaa ee lasoo maray , waxaa dhacay wixii dhacay }
Marka ugu horeysa waxay mahadi usugnaatay ilaahay , marka
xigtana nebigeenii suubanaa (N.N.K.H)
Waxaan kaloo u mahad celinayaa dhammaan shaqaalaha sharafta leh
ee ka hawl gala websiteka can ka ah ee galgalanews waxaana leeyahay shaqada aad
ummada u haysaan sii labanlaaba hana kadaalina marna.
Waxaan jeclahay in aan maqaal kan kaga hadlo, doorashada
madaxtooyada puntland ee inagu soo fooda leh oo ku began janaayo,8, 2014.
Waxaana ka soo wareegatay 5 sano xiligii doorashadii 2009 uu
ku guuleystay madaxweynaha puntland ee
iminka wax tigiisii sii dhamaanayo ee dr c/raxmaan maxamed maxamuud faroole.
Hadaba akhristaw waxaan maqaalkan kaga hadli doonaa oo mudadaa
shanta 5 sano ah muxuu faroole qabtay maxaase kharibmey oo dibudhac ku yimi. Yaase
maanta hogaaminkara puntland oo u qalma.
Sidaan wada ogsoonahay intii xukuumada faroole ka
arimineysay punland waxaa batay dilka lagula kacayo birimageydada iyo dadka
shacabka ah oo wadooyinka ama istareydhada lagu laayey hadh cad oo aaney jirin cidloosoo qabtey.
Waxaa batay budhcad badeednimada oo sharaftii puntland
dhulka kujiidey, waxaa coloobey beelihii puntland ee walaaha ahaa ee wada
deganaa dhulka puntland oo maanta aaney
jirin beelbeel lahadasha.
Xukuumada faroole waxey ballanqaadey wakhtigii ladooranayey
in ay gobolka sool ee lascaanood gacanta dawlada dib ugu soo celindoonto
taasina in aydhacdo daaye waxay kala fogeysey ku wii is ogolaa.
Dawladii dhameyd ee ka arimin jirtey shanta gobol waxay
xukuumada faroole kusoo koobtay garoowe oo qudha. Waxaa hubkii dawlada lagoostey dhalinyaradii
markii uu wax mushahaaro ah lasiin waayey , arintaasna waxaa ku kelifey
mushahaaro la’aan.
Cidkastoo kumucaaradana waxay xukuumada faroole ku
tilmaantey ama ku shaanbadeysey alshabaabnimo iyo argagaxiso iyagoo wax kagaraadinaya
qaramadamidobey iyo dadka ladagaalama
alqaacidada si ay uga helaan mucaawino , xukuumada faroole waxay ku keliftey maahmaahdii
odhaneysey ( dad cadaabeed dalcadaabeed
baalaga doortaa e aan buuraha uguuro) waxaana dhexmartey sheekadii ahey
sidatan:
Xukuumada faroole “waxaad tihiin asalraac argagaxiso ah
waxeyna ku jawaabeen “inaanu xuquuqdayada iyo qismigaya udoodno
hadey kulanoqotey alshabaab iyo
argagaxiso aan sidaa ku kalatagno “
taasina waata keentey wax wadahadal iyo waanwaan lagu dhameynlahaa in ay
gaadho heerka ay maanta mareyso waxaynuna ku tilmaami karaa siyaasada indhala.
Xukuumada faroole
maxay qabatey mudadey xilka heysey .
Ninka raga ah lama xaqiro waxaa uu qabtey waa looqiraa e
xukuumada faroole waxey xilka hanatey January
8,2009 kii, mudadaa shanta sano ah waxa uu isbedel lataabankaro kusameeyey dhammaan siyaasada debedda ee puntland , waxa
uu dhisey TV-ga iyo radio puntland , aftiuqaadista dastuurka iyo
dhamaystirkiisaba wallow aaney bulshadu siweyn uga qeyb qaadan, waxaa kale oo
uu ku amaanan yahay waxa uu dayactir iyo dhisidba kusameeyey dhammaan
dhismayaasha dawlada puntland inkastaaney garoowe dhaafsiisneyn.
Waxaas oo dhana waxaa waka wanaagsaneyd aminag iyo arimaha gudaha in ay xukuumaadu wax
kaqabto.
Hadii xukuuumada
faroole dib ugu guuleysato madaxtinimada maxaa dhici doona
Soomaalidu waxay ku maahamaahdaa ( korwaayeel waa wada
indho) shacabka puntland waa kadaaley siyaasada faroole wax kalsooni ah oo
loohayaa majirto, hadaba hadii uu soo laabto oo uu dib ugu guuleysto hogaanka
puntland waxaa dhici doonta in puntland bur-burto oo dagaalo sokeeye ka qarxaan
(civil war) , waxaa sii badan doonta dilka iyo budhcadeynta, waxaa dhicidoonta
in gobolo kale ku biiraan maamulka soomaaliland sida gobolka sool, waxaa
dhicidoonta in aaney magaalona maaglo ugudbin oo ay colaabaan beelaha walaalaha
ah ee wada dhistey puntland.
Si aaney taasi
udhicin yaa uqalma ama u quman hogaanka puntland?
Waxaad moodaa in hadda yididiilo muuqato, hadana cabsiyo
khataro hor lihi muuqdaan , waa sillan sugan wada togan.
Waxaa soo socda hawlo xusul duub loogu jiro doorashada waxaa
loo baahan yahay in dabinkii shalay lagu dhacay aan maanta lagu dhicin ,
taariikhaha muuqda waa inaan wax kabaranaa.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (kaldad laqa ulbaa leyskaga
dayaa) akhristaw waxaynu kazoo hadaley waxa dhicidoona hadii faroole dib xilka
u hanto inagoo kashidaalqaadaneyna ama kaduuleyna mudadii uu xilka hayey, wixii
u qabsoomey aragney natiijada laga dhaxley xukuumada faroole oo caadeysatey
kelitalisnimada iyo macangegnimada.
Waxaa maanta puntland kajirta xaalad adag oo kudhow burbur iyo kala
jaac oo u baahan samata bixin.
Waxaynu ubaahanahay halyey kasaara dalluunta dheer ee
xukuumada faroole kuridey. Waxaynu ubaahanahey aftahan, indheergarad,
aqoonyahan, dalka iyo dadka jecel oo isgau sooceliya dhammaan shantii gobo lee puntland
laysku odhan jirey, maanta puntland waxay ubaahantahay geesi waan waan iyo wada
hadal labilaaba wiilasha puntland udhashey ee bbuuraha golis jooga ee faroole
ciilka badey kuna abuurey cadaawada iyo arxandarada, illeen waa tii hore
looyidhi [aan wada hadalo waa aan wada heshiino}.
8, janaayo, 2014 puntland waxay ubaahantay shakhsi aqoon
uleh siyaasada iyo sida loola dhaqmo bulshada iyo soo dhoweyntoodaba. Arintaasina
waa tii kamaqneyd xukuumada faroole ee
ay kuweydey kalsoonidii shacabka.
Hadal haan mabuuxshee waxaan kusoo gebagebeynayaa maqaalkan
baarlamaanka cusub ee puntland waxay metelayaan dhammaan shacab weynaha
puntland waxana lagudboon in ay udoortaan hogaanka puntland shakhsi samata
bixinkara kana saari kara wakhtiga adage e ey kujirto waana in ay u hiiliyaan
isbedelka waatii soomalidu tidhi rag waa labo ( oo waa halyey iyo habacsane e)
waxaynu maanta u baahnahay halyey,
habacsane waan kadaaley e, baarlamaanku waa in ay raacaan qaacidadii uu salad cali
jeele sheegey ee ahayd ( lacagi waa cunis codkana anaa leh) markaa lacagi waa
cunis codkana halyey inoo qalma doorta.
No comments:
Post a Comment