Thursday, December 26, 2013
manta waxaan idiin hayaa maanso lamagac baxday (hiil suxufi) oo ay inoo samaysayabwaanadeena qaaliga ah ee tolow waa tuma , waa abwaanad amran xuseen maansadan oo sida aad magaceeda kadheehanaysaan ama ka muuqata kahadlaysa
suxufiyiinta oosidaynu wada ogsoonahay suxufiyiinta somalida meelkastay joogaanba lagu hayo tacadiyo aadnaha kadhan ah oo dil, aflagaado, jug iyo cayba loogu gaysto geeska afrika ayay abwaanadu aad uga daqmatay, run ahaantii, waxaynaga kaga jawaabtay maansadan aadka u qaaliga ah ee uu garanayo qofkii caqliga u saaxiib ka ahi qiimaha ay leedahay , hadal haan ma buuxshee waxaa maansadu ku bilaabmaysaa sidatan:
maansadii ( hiilka suxufiga )
*hadaan aamus naayo *
*afka daboolka saaray *
*sanaadh kaba udiidaay *
*suugaan taydu huruday *
*saaka waan bararugaay *
*dhiigaa sacaa marku arko
*dubigubaa gadood samee*
*aniguna sidiisii baan *
*saaka aan ka dhiganahay *
*sara kacoo is taagaay *
*suugaan taaydii ciriyay *
*waxba yaanan surimiyo *
*soohdimo kulee xanee *
*aan hoos usoo dagoo *
*warka.aan idiin sidiyo *
*soo bandhigo ujeedada *
*idinkuna sinaan tiyo *
*samo igaga dhagaaysato*
*wixii aan ku saxanahaay *
*igu siiyaa garab kiinaa *
*cidii igu saluugtaayna *
*soo gudbi dhaliilahaa *
*hadaay maanso magaciyo*
*sifo hore lahaan jirtaay *
*samihiyo wanagiyoo *
*xaqa garabka siinjirtay *
*inta tirisa suugaan *
*ee sabanadaan kacaay *
*sadrigaay ka baqayaan *
*yagoo aan lasiiniin *
*kiniinada wax suuriya *
*suna loo dhawaay niin *
*ayaay wada cabsoodeen*
*nin sanaadha laga waa *
*oo xaqa garabka siiyaa *
*ciilbaa isun sumaayoo *
*hurdo seexan waayayee *
*maxaa idin suurshayee *
*idin saaraay habacaa????
*ragii tiriyay sugaanta *
*ee sijinada usoo galaay *
*sooryo kumay cunaynine*
*xaqaay garab istaageene *
*ragii booskaa galilahaa *
*sixir hadii la aasanaa *
*suuradahaa ku furilaha*
*halkaay saaka joogaane *
*aay suugaan ka tiriyaan???
*hoos aan usoo dagoo *
*warka aan sidoo sugaan *
*aan soo bayaan shoo *
*wuxuu saatir keen qoray *
*rasuulkenu sheegay .scw*
*ruux seeyagaan jirinoo *
*seeftu waay dhacaaysaa *
*si ay ku timaadbee *
*se waxaa su aal mudan *
*subaxdii timaadabaa *
*suxufigan la qalaayo *
*ma neef lagu sadqaaysta *
*masakadii dad keenaa????
*siyaasiga la gaawracoo *
*suldaana dilkoodabaa *
*maansaad ka tirisaane *
*suxufiga maxaa qariyaay *
*xaquuqdiisa maansada????
*ninkaa soo afaaystay *
*ee seefta la dhacaay *
*ku saraay jidhkiisaa *
*saablaayda feedhiyoo *
*sanbabada daloolisaay *
*sunta ku abuur tayee *
*uhor seedaay geeridaa *
*suugaan ma ka tiriseen???
*intaay garab is taagtoo *
*xaqana dadka usifaysa *
*iyo suxufigu wuxuu yahay?
*taa waxaa ka sii daraan *
*ninka soo saro kacayee *
*subax intuu is taagay *
*samcadiisi qaataay *
*saacidaad dhan daayo *
*saacadna aan uhiiliin *
*aan garab is taaginee *
*sijinada ka buxiyaa *
*allaa sacidaa diyoo *
*samihiisu badan yahee *
*suxufigaa xaqiisiyoo *
*lama siin xaquuq dii *
*saatir keen baneeyaay *
*xilkaay inoo sidaanaa *
*buurta wuu ka culusyahay*
*hadii aanay saxaafaduu *
*soo qorin akhbaarahaa *
*saamigeed aduunyadu *
*saacad baay ku dumulay*
*inagunaa soomaalaay *
*sidaay saaylad joogan *
*subaxba midkii shilis *
*ayaaynu sad qaaynaa *
*inta suuganta tirisaana *
*waabay ka seexdeen *
*saatir keen ka khaafo *
*siliciyo dhibatadaa *
*subax noolba taagan *
*inagamay mutay sane *
*suxufiga ka daayoo *
*xaqa garabka siiyaa *
*isagaa iftii maayoo *
*isi soo cadaaynaayee *
*suxufigana midban odhan*
*hadii laaydin xasuuqo *
*seeftaa baaxada leeh *
*sidaa laaydin kusi wado *
*xilkaa aad sidaaniyoo *
*xaqiiqadaad sugaaysan *
*salaw iyo sas haka qadine*
*xaqa garabka siiyoo *
*sooban dhiga wixi jira *
*sadrigiinu baq dintiyo *
*sii jeesi yuu baraan *
*aniguna sanaadh kiyo *
*sugaanta hiil kalee *
*hore hadaan useexshay*
*soo kacdoo baraa rugtay*
*cudud baanay idinsiin *
*soo ducee idinkunaa *
*saaka kii la aasaay *
*iyo saaxibadii doraad *
*lasal dhigay xabalaha *
*soohdimihii fardawsiyo *
*surimadaa janiiyinkaa *
*in lagu casuumaayoo *
*safkii rasuulka racaan.scw*
*inta soco naayse nool *
*suntanee carbuu naan *
*inuu saatir dhawrooo *
*suxufiyiinta idilkood iyo*
*mus limiinta guudbaa *
*qalbi saafiyoo wacaan *
*niyad bilaa saluugaa *
*salaan idin kaga tagaysa*
; by Abwaanad Amran Xusein;;
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment