suugaantu is honey, suugaantu is wise, others are ancient dialects is he said,
marka hore waxaan u mahad celinayaa allah oo iisuurageliyay in aan soo ururiyo suugaantan aan jecelahay in aan kusoo gudbiyo my own page kan, waxaana kasoo ururiyay nabadoon yaasiin cali muuse oo ah mu fakar, indheer garad, xilkas jecel in uu sida tiraabta oo kale ugu sheekeeyo suugaanta,
waxana uu leeyahay suugaan aad ufarabadan oo isugu jirta inta suugaantu kakoobantahay,
hadal haan mabuuxshee ila akhriso gabaygan inau soo fooda leh.
caaqilku waxa uu gabaygan tiri yay 1990 bishii 7aad wuxuna xiligaa uu tirinayay gabaygan joogay magaalada xamar ee caasumada somalia , hoteelka dabka, dabaqa saddexaad .
waxana uu gabaygan kula hadlayay odayaal uu siyaad bare udiraya meesha lagu magacaabo Wanaagsan oo lagu heshiisiinayay beelaha somaliyeed, ama loogadanlahaa in dawlada iyo beelaha laysugu soo dhoweeyo.
waxana uu gabaygiisii kubilaabay:
1) kuwa wanaagsan tegayaw waxaan idinku sii waanshey.
2) walaal nimadii soomaaliyeed waxay laweydowday
3) oo ay ukala waabatay oo kala wadeecayey.
4) waxa wada jirkeenii haligay wegerta soo sheega
5) waxa waalid iyo wiil yar tirey ee wehesha soo sheega.
6) wadanakeena waxa baday waqlaha waalaya ogaada.
7) waxa reer waqooyi ululamay ee loo wanjalay keena.
8) maxaa gacal shisheeya ha u wada oo waadiyaha dhaafshey.
9) nin waliba wuxuu wado waxbuu idinla weyneyn e.
10) wixii wax ah ka raaca iyo waxay waayo ku abaado.
11) oo waayeelka meel loodiraw weedha wacan raaca.
No comments:
Post a Comment