Tuesday, January 14, 2014


waa kuma c/qani mandella ?
c/qani mandella waa halkaraan, abwaan da'yar oo runtii aad moodo in uu xigmada iyo murtida somaliyeed
uu ku dhashay waxaaba intaas u sii dheer aftahanimada iyo xulashada ereyada mugga iyo macnaha weyn xanbaarsan ee uu hadalka u yeelaya dhadhanka ,
waxa uu leeyahay suugaan aad u farabadan oo runtii isugu jirta dhammaan inta suugaantu ka koobantahay,
bal aan soo qaadano dhowr maanso oo uu leeyahay :
iladheehda oo ila milicsada murtida cabdiqani mandella

Dareenka naftaydu
Adduunyo ma raadsho
Qabiil ma daneeyo
Agtiisa ma doono
Dookhaygu ma raaco
Ninkaan xaqa doonin
Dalkayga ma caayo
Digniin kama reebo
Dhiskiisa ma daayo
Dhaqaale udoonka
Habeen kama daalo


maansadii asal

Asal asal dhalaa tahay
Nasab loo dhaxaa tahay
Asma dheeman baa tahay
Dhulka ruuxa joogana
Qofka loo dhintaa tahay
Dhalad saafiyaa tahay
Dhisan gaariyaa tahay
Dhayda caanaha tahay
Fiitamiin dhan baa tahay
Soomaali dhaladiyo
Dhuuxii boorama tahay




manso kale
Jacaylku haduu ku helo
kolnaba lama seexan karo
haduu kugu kaco habeen
kolnaba lama kaadi tago
kulayl iyo ciil dartii
kurkub'a ma dhaqaaqi karo
 



(maansadani waxay taabanaysaa jacaylo aan arkay dabadeed aan uga digay inamo hablaba ugana duceeyayay ila eegggg)
Jacaylada xaasidiinta
Jacaylada bilaa xushmaynta
Jacaylada bilaa xurmayntaa
Jacaylada bilaa xishoodkaa
Jacaylada bilaa xoghayntaa
Jacaylada bilaa xaqdhawrkaa
Jacaylada bilaa xuquuqdaa
Jacaylada bilaa xaqsoorkaa
Jacaylada bilaa xasuustaa
Jacaylada bilaa xisaabtaa
Jacaylada bilaa xaqiiqdaa
Jacaylada bilaa xijaabkaa
Jacaylada xaasidiinta
Jacaylada xeerka dhaafay
Jacaylada xaas ma doonkaa
Jacaylada xiisa beelkaa
Allow xumihiisa dhaafi
Hablaha xulan ee hagaagsan
Allow xumihiisa dhaafi
Wiilash garashada xurmeeya

No comments: