Tuesday, January 14, 2014

suugaanta cabdiqani mandella

waxaa maansadan soosocota tiriyey cabdiqani mandella oo leh suugaan aad ufaradan
Mansadan oo magaceeda la yidhaa( Hubaal) waxayna soo baxday01-noverber-2013 waxan kaga hadlayaamuhiimada nolosha iyo awooda inaan waxkasta qaban kartid waxaanan dhirrgalinayaa oo aan kobcinayaa hanka iyo hiigsiga qofka inuu mar uun gaadhidoono danihiisa shakhsigaa waxayna mansadu ku bilaabmaysaa sidan. Nolosha waad hagi kartaa Nolosha wad hanan kartaa Nolosha waad huri kartaaa Halyaybaad noqonkartaa Hubaal waad gadhasaa Waxaad hiigsuun lahayd Haddaad ku dadaasha’uun Hadaad ku haraado’uun Hadaad ku hadhbeesha’uun Hadaad ku hayaantouun Hadaad ku hingoota uun Hadaad ku hinraagta uun Hadaad ku hawaawiduun Hadaad ku halaabta uun Hubaal wad gaadhasaa Hadaad daba joogto uun Hadaad isku hawsha uun Hubal samirtuun ayaan Xaqiiq waad heli kartaa Waxaad hiigsanaysa uun Hadaad bal aqoonsatuun Inaa tahay lamahuraan Naftiisa hagaajinkara Aduunyada hiigsan kara Halyaynimo sheegan kara Hankiisu balaadhan yahay Heerkiisu wanaagsan yahay Hadaad bal aqoonsatuun Hubaal waan gaadhanaa Waxaan ku hadaaqanuun Ninkaa dunidaa hagee Dhaqaalaha haysta ee Dhulkiisa hagaajiyee Hanaanka samaysatayee Hadhkii dayaxii ubaxay Hubaal waxan kuu hubaa Inuu kula haybyahoo Hubaal nabi aadan nuun Dadkiisa kasoo hadhuun Hubaal maxkaxdaad wadaa Hog weeyaan aad u dheer Hadaad bal adeegsatana Hal;weeyaan hawl kar badan Halkuu fikirkuba kakaco Halkuu fahamkuba ku lado Xusuusta halkaad kawado Hubaal wad garan kartaa Haddaan tahay hanad dareen le Hagaaji dhulaaga hooyo Habee noloshiisa gaaban Hanee xirfadaad taqaanid Wixii hantiyeed shaqaysay Halyay noqo aanan liicin Ha sexan addoon shaqaynin Dantiisa ha seegin maalin Hahooyan addoon u heeesin Ha dhaafin aadoon habayniin Addoon hilinkiisa jeexin Adoon hagranin naftaada Addoon hagar bixin dadkaaga Addon dhidid hurin jidhkaagu Addoon hawgalo samaynin Addoon haydaar u jiidhin Addoon horusocodna gaadhsiin Addon u hurin naaftaada Daalkaaga ha dhaafin maalin

No comments: