Sunday, December 29, 2013

Heego Muuq Dheer!

waa hees cajaa ib ah oo uu abwaan hadraawi ka tiriyey gabadh sidata hidiyo dhaqanka
iyo quruxdeeda  oo uu layaabay waa qiso dheer

Is helloo gabadhii is heli-mayno
Huminnoo taladii hunsami weyday
Halyeynimadayda kuma hadhin
Hayntayda yaraatay bay hagratay
Dan baa ka hor timi heshiiskii
Hoh iyo caku heegantaydii
Hilowga arradan bir baan ku hiloo
Kashaydu hubaal ma heellana
Hengel baan ka sitaa haween dumar
Markaan ku hungoobay baan huray
Haankiyo wadnahaa biyaa habaya
Hantaaqo i gaadhay baan la hurday
Huq iyo ma filayn hayaan kedisa
Hayeeshe hayaaydi baa badatay
Hammiga kalgacaylku waa habaqle
Hed iyo waa dabayl hab soo tidhi
Hiyigii lingaxnaa ma huriyeen
Ma halabsaday geenyadii Hudi
Hindisaa wax kalaan halkawgu socdee
Hurintaan weheshaan ka hadhiwaayay
Codkiyo hugunkaa isoo hagay
Hoosaasada mayla hiishaday
Haasaasaha muuqda hirigooda
Caawana hambadaydu waa halis
Horyaalka da’day hadhuub la dhantaay
Hiddiyo dhaqan baad hagoogantahoo
Waxaad huwantahay hugii sharafka
Sidaad u habaysay heensaha
Hadoodilka muuqa higilkaaga
Haldhaaga sidiisa hooshaarka
Hilbaha kugu yaalla heemaalka
Hanqalkaad la kacdiyo hubkaad sidato
Hab-joogga timaa hal-qooqa leh
Hufnaanta xishoodka aad hogatay
Hawaarta ku saaran heeraarta
Hilqadaa boqorkiyo hariiryaha
Habuurka, udgoonka, soo haarka,
Sidii hayin haamo culus sida
Hubsiino dhaqaaqa hanashada
Hormaynta hannaanka laafyaha
Hal qaadka tallaabadaad hollatay
Lugtaad hakisaan hoggaansamay!
Dhul habatacay ciidda oo hodantay
Dhirtoo hamashowday doog hadhsaday
Xareed hilo iyo harooyin degtay
Hantidoo dhashay deyladoo horratay
Haleello maqasheeda heel ku furtay
Horweyno ku foofay meel hadow leh
Haloosiga baarqab hoobala
Higtiisa higgaadda dhiillada
Haadkii diday keenay hoosiis
Hibaaq ka dhalaalay Haadaamo
Hareeri ka muuqday Heegaale
Hoobaan ka bislaatay Hawd sare
Dayaxoo himir iyo huruud marsadoo
Caweys ka hinqaday hoggiisii
Horseed la socdiyo hoggaanno wata
Qorraxdoo halabtiyo hillaabta dhigtay
Daruuro ka hooray hoosteeda
Fad iyo hogol loolli habar wacatay
Hillaac iyo heego soo curatay
Sidii hir fog baan ku soo higsadoo
Indhuhu ku harraade halacdaada
Hubsiinadu way hagaagsantahee
Hadhow iyo mooyi hawlo danbee
Horjooggaagu heello igu dhali..
Hugiyo dharku haybta waa ka badh
Hablihii kacay qaar hawaa lumisoo
Xilkii hooyo way ka heermeen
Hummaagay run moodayaan hodaya
Hebliyo hebla hiil ka sugimaayee
Hankaagu ka weyn hinaasaha
Waxaad haysataa jidkii hore
Sidaan hubo waad hal adag-tahay
Hambalyaan kugu siiyay hirashada
Hawraar murtiyeedda hadalkayga
Waxaan hidiyaaba waa hees
Hortaada, gadaal, hareeraha
Hibaan ku daleeyay hilinkaaga
Habeenkaagu waa mid hooda leh
Ku hoyo nabad Heego-Muuq-Dheer
hadraawi muxuu yidh:

Wacdaraha Adduunka

Walaac anigoo ku seexday
maxaan walbahaar la toosay
wareer anigoo la liita
maxaan werwer jiifi waayey.
Maxaan sida weer cadhaysan
saqaa dhexe gaaf-wareegey,
intuu waqal ii hillaacay
maxaan kula rooray weelka,
u baydhay wadiiqo leexsan
wakhtigu i tilmaami waayey.
Jacaylku muxuu i wiiqay
muxuu wadnahayga shiilay
Maxaan shimbiraa waraystay
u dhiibay waraaq daboolan
haaddii wacdigayga qaadday
cid weeye tidhaahda weydey.
Waayeel dadow
inan waalanahay
duni weer siddoo
weligeed dhintoo
wacadkiyo xadhkii
weydaarataan
weetaynayaa.
Wadeeco maxaan ilaashey
waraabe ka soo xereeyey
sac weyda maxaan u dhaanshey
Walwaal ugu soo arooray,
halkiisa ku soo waraabshey.
Maxaan weli soo kexeeyey
wadaaddo maxaan u yeedhay
u loogey wankayga fiican.
Waxyeello halkay u taallo
naftayda maxaan ka waanshey,
walaalkay nimaan u haystey
muxuu waddo ii fadhiistay.
Qof aan wehelkayga moodey
ka qayb galay weerarkayga
ruuxaan la wadaagey oontu
ku wiirsadey dhiilladayda.
Waayeel dadow
inan waalanahay
duni weer siddoo
weligeed dhintoo
wacadkiyo xadhkii
wrydaarataan
weetaynayaa.
Maxaan wacdaraa adduunka
u soo jirey waayaheeda
warkeeda la ii dhammeeyey
maxaa waran layla doonay
habeennimo layla waayey
nasiib kaga waa bariistey,
maxaa dabin lay wareejay
wedkeyga la ii shir-qoolay,
maxaan dacar lay walaaqay
waabeeyo ku caafimaaday,
Maxaan wacad layla qaatay
rumaystay Wallaahi beena.
Maxaan webiyaal is-jiidhay
dhexdooda ka waab-samaystay
wanaag anigoo sameeyey
maxay wadhi ii dambeysey.
Wayeel dadow
inan waalanahay
duni weer sidoo
weligeed dhintoo
wacadkii xadhkiyo
weydaarataan
weetaynayaa.

Hiddo

Nin hablaha dhammaantood,
Soo wada hilaadshoo,
Haasaawe kay tahay,
U hureen xaggoodoo,
Adna kuu han weynoo,
Waxaan ahay ku haybshee,
May hagar-baxdaa?
Halacoow guddoon,
Hadalkaad tidhee,
Kuu hagar-baxee,
Anigana i hoo;
Qof harraad u liitaa,
Biyo kama habaaboo,
Hiil geesi waayaa,
Hibashada ma daayee,
Haankaad wareentaa,
Hurgumooday caawee,
Mays heli karnaa?
Taakulo Hiddooy,
May hurin kartaa?
Haaneed kal-gacal,
May hidin kartaa?
Hoorriga la sheegiyo,
Hanad liita ma ihiye,
Hanti nimaan lahaynoo,
Habranaaya ma ihiye,
Waxaan ahay nin hanadoo,
Hollinaaya hawshee,
May hagar-baxdee,
Halacoow guddoon,
Hadalkaad tidhee,
Kuu hagar-baxee,
Anigana i hoo;
Amba hoorri liitiyo,
Hannas kuma sheegin’e,
Kuwa loo han weyn yahay,
Adigaw horreeyee,
Waan ku hollinaayoo,
Talo waa hubsiinee,
May hagar-baxdaa,
Taakulo Hiddooy,
May huri kartaa,
Haaneed kal-gacal,
May huri kartaa?
Hirar aanu gaadhayn,
Nin u heensanaayoo,
Talo waa hubsiinee,
Ku hodaaya may ihiye,
Isku kay hallee baan
Hadalkii ku daystee,
May hagar-baxdaa,
Halacoow guddoon,
Hadalkaad tidhee,
Kuu hagar-baxee,
Anigana i hoo;
Halacoow asaaggaa
Hengel baan ka qaatee,
Mid kaloo I hooyaa,
Anna wayga haniyee,
Aniguna heshiis baan,
Hadalkii ku daystee,
Mays heli kartaa,
Taakulo hiddoooy,
May huri kartaa,
Haaneed kal-gacal,
May hidin kartaa,
Heestani waxay ku jirtay Riwaayaddii Hadimo, 1966. Waxa codadkooda ku qaaday; Faadumo Axmed Dhimbiil iyo Maxamed Nuur Giriig (AHN).

xuska habeenka hidaha iyo dhaqankeena suuban (balwadiifakatoo baray qabatee bajaaj maku baadi goobnaa) bandhig dhaqameed lagu bandhigi doono dhammaan ciyaaraha iyo hees hawleedyada hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed. saylici,balwo.dhaanto,wilwile,heello,saddexlay,iyo hees hawleedyo tiro badan . invitationka kasoo gooso BLUESKAY qiimuhuna waa $5 only ammintu 1/1/2014 7:00 goobtuna waa HOTEL RAYS

Saturday, December 28, 2013


ninkaan baaca xabaasha iyo loobarkin ciida aduun waa gii bidhaamaba bixisuu arkayaa,
adduun yada nin noolow maxaa aragti kuu laaman,
ninkii cimrigiisu dheeraado geeldhalayana waa kutusaa ayay soomlidu tidhaahdaa

qarni waliba yaabkii,
sanad waliba dhacdadii
maalin waliba amankaageed

maalinkasta waxa dhaca waxaan hore loo arag
waxaa yimaada dhaqan aan la arki jirin
dhegahaygu waxay maqlaan maalinkasta
war aan kanaxo, sida dagaal lagu dhammaaday ayaa kadhacay meel hebla,
daad dhimasho iyo barakac geystay,
weriye ladilay,, qarax xoogan oo kumanaan kun kudhinteen bilyana ku dhaawax meen,
shakhsiyaad aan haybtooda lagaranayn oo is biimeeyey dadna ku haligmeen,
mudaharaado iyo rabshado iswata oo ka kacay meel heblaayo,
roobab iyo dabaylo iswata oo kudhuftay wadan hebel,

asxaabey iyo qaarkaloo badan waan soo wada....

Thursday, December 26, 2013


manta waxaan idiin hayaa maanso lamagac baxday (hiil suxufi) oo ay inoo samaysayabwaanadeena qaaliga ah ee tolow waa tuma , waa abwaanad amran xuseen maansadan oo sida aad magaceeda kadheehanaysaan ama ka muuqata kahadlaysa
suxufiyiinta oosidaynu wada ogsoonahay suxufiyiinta somalida meelkastay joogaanba lagu hayo tacadiyo aadnaha kadhan  ah oo dil, aflagaado, jug iyo cayba loogu gaysto geeska afrika ayay abwaanadu aad uga daqmatay, run ahaantii, waxaynaga kaga jawaabtay maansadan aadka u qaaliga ah ee uu garanayo qofkii caqliga u saaxiib ka ahi qiimaha ay leedahay , hadal haan ma buuxshee waxaa maansadu ku bilaabmaysaa sidatan:
maansadii ( hiilka  suxufiga )

*hadaan aamus naayo *
*afka daboolka saaray  *
*sanaadh kaba udiidaay *
*suugaan taydu huruday *
*saaka waan bararugaay *

*dhiigaa sacaa marku arko
*dubigubaa gadood samee*
*aniguna sidiisii baan *
*saaka aan ka dhiganahay *
*sara kacoo is taagaay *
*suugaan taaydii ciriyay *

*waxba yaanan surimiyo *
*soohdimo kulee xanee *
*aan hoos usoo dagoo *
*warka.aan idiin sidiyo *
*soo bandhigo ujeedada *
*idinkuna sinaan tiyo *
*samo igaga dhagaaysato*
*wixii aan ku saxanahaay *
*igu siiyaa garab kiinaa *
*cidii igu saluugtaayna  *
*soo gudbi dhaliilahaa *

*hadaay maanso magaciyo*
*sifo hore lahaan jirtaay *
*samihiyo wanagiyoo *
*xaqa garabka siinjirtay *
*inta tirisa suugaan *
*ee sabanadaan kacaay *
*sadrigaay ka baqayaan *

*yagoo aan lasiiniin *
*kiniinada wax suuriya *
*suna loo dhawaay niin *
*ayaay wada cabsoodeen*
*nin sanaadha laga waa *
*oo xaqa garabka siiyaa *

*ciilbaa isun sumaayoo *
*hurdo seexan waayayee *
*maxaa idin suurshayee *
*idin saaraay habacaa????

*ragii tiriyay sugaanta *
*ee sijinada usoo galaay *
*sooryo kumay cunaynine*
*xaqaay garab istaageene  *
*ragii booskaa galilahaa *
*sixir hadii la aasanaa *
*suuradahaa ku furilaha*
*halkaay saaka joogaane *
*aay suugaan ka tiriyaan???

*hoos aan usoo dagoo *
*warka aan sidoo sugaan *
*aan soo bayaan shoo *

*wuxuu saatir keen qoray *
*rasuulkenu sheegay .scw*
*ruux seeyagaan jirinoo *
*seeftu waay dhacaaysaa *
*si ay ku timaadbee *

*se waxaa su aal mudan *
*subaxdii timaadabaa *
*suxufigan la qalaayo *
*ma neef lagu sadqaaysta *
*masakadii dad keenaa????

*siyaasiga la gaawracoo *
*suldaana dilkoodabaa *
*maansaad ka tirisaane *
*suxufiga maxaa qariyaay *
*xaquuqdiisa maansada????

*ninkaa soo afaaystay *
*ee seefta la dhacaay *
*ku saraay jidhkiisaa *
*saablaayda feedhiyoo *
*sanbabada daloolisaay *
*sunta ku abuur tayee *
*uhor seedaay geeridaa *
*suugaan ma ka tiriseen???
*intaay garab is taagtoo *
*xaqana dadka usifaysa *
*iyo suxufigu wuxuu yahay?

*taa waxaa ka sii daraan *
*ninka soo saro kacayee *
*subax intuu is taagay *
*samcadiisi qaataay *
*saacidaad dhan daayo *
*saacadna aan uhiiliin *
*aan garab is taaginee *
*sijinada ka buxiyaa *

*allaa sacidaa diyoo *
*samihiisu badan yahee *
*suxufigaa xaqiisiyoo *
*lama siin xaquuq dii  *
*saatir keen baneeyaay *
*xilkaay inoo sidaanaa *
*buurta wuu ka culusyahay*

*hadii aanay saxaafaduu *
*soo qorin akhbaarahaa *
*saamigeed aduunyadu *
*saacad baay ku dumulay*

*inagunaa soomaalaay *
*sidaay saaylad joogan *
*subaxba midkii shilis *
*ayaaynu sad qaaynaa *

*inta suuganta tirisaana *
*waabay ka seexdeen *

*saatir keen ka khaafo *
*siliciyo dhibatadaa *
*subax noolba taagan *
*inagamay mutay sane *
*suxufiga ka daayoo *
*xaqa garabka siiyaa *
*isagaa iftii maayoo *
*isi soo cadaaynaayee *

*suxufigana midban odhan*
*hadii laaydin xasuuqo *
*seeftaa baaxada leeh  *
*sidaa laaydin kusi wado *
*xilkaa aad sidaaniyoo *
*xaqiiqadaad sugaaysan *
*salaw iyo sas haka qadine*
*xaqa garabka siiyoo *
*sooban dhiga wixi jira *
*sadrigiinu baq dintiyo *
*sii jeesi yuu baraan *

*aniguna sanaadh kiyo *
*sugaanta hiil kalee *
*hore hadaan useexshay*
*soo kacdoo baraa rugtay*
*cudud baanay idinsiin *

*soo ducee idinkunaa *
*saaka kii la aasaay *
*iyo saaxibadii  doraad *
*lasal dhigay xabalaha *
*soohdimihii fardawsiyo *
*surimadaa janiiyinkaa *
*in lagu casuumaayoo *
*safkii rasuulka racaan.scw*

*inta soco naayse nool *
*suntanee carbuu naan *
*inuu saatir  dhawrooo *
*suxufiyiinta idilkood iyo*
*mus limiinta guudbaa *

*qalbi saafiyoo wacaan *
*niyad bilaa saluugaa  *
*salaan idin kaga tagaysa*

; by Abwaanad Amran Xusein;;
(hablaha hooyan rabayn)
maansadan sida layaabkaleh oo nash qadeeyey waxaa tirisay abwaanada da'da yar ee amran xuseen
oo runtii ah shakhsi ku caanbaxay soonooleynta iyo sare uqaadista suugaanteena hooyo
waana gabadha qudha ee samaysa suugaanta noocayadeeda kala duwan sida gabayga, buraanburka, maansooyinka, geeraarada dhammaan waxkastay suugaani ahayd ba , hada akhyaarey bal ila dheehda ama ila akhrista maansadan layaabkaleh

*huqdayda anaa qarsaday*
*hadalkana lamaganaa*
*higaada gabay ku sheegin*
*hablahayaga hugoodiyo*
*hogoog toodi tuuraay*

*eehadad igu soo casunteen*
*inaan haawraarta maansada*
*hadeer sil siladaa kadhibto*
*anaan hoganaynin maanto*
*odhaah daydana ka dhiibane*
*halkay ila marto bal eega*

*hablaha soomaaliyeed*
*hankay waligood siteen*
*hidahay gadaraacayeen*
*hanaan kay dhaawrayeen*
*hooya ku ababin jirtoo*
*horseedka dhaqan ahayd*
*hugooduna wuu bilaa*
*hadalkooda samaa*
*habdhaqan bay wadanjiren*
*haween bay ugu siteen*

*hablaha soomaaliyeed*
*hadaf adag baay wateen*
*halyaayga damaaciyee*
*haasawaha ula taganaa*
*hore kama raaci jirinee*
*hubsiimaa qaaliyee*
*inuu halo geel dhiqiyo*
*hugiisay eegi jireen*
*halkay beeshoodu taal*
*hadal aan wada cadayniyo*
*hawraar ba lagu badhi jiray*
*ileen hooya dhaqankiyo*
*hogaanka uhayn jitayoo*
*hidaha soo gado bartaye*

*hadana sabanadan dhacaya*
*hooyoyinka saka jooga*
*horseed dhaqan way ilawen*
*haawshodi way ka.baydhen*
*hadalkoodi bilaa iyo*
*hablaha wanada masiiyaan*
*hugoodana uma tilmaaman*
*hidiyo dhaqanka na mabarayan*
*hooya hablihii halaysoo*
*haadiyo bahalka siisaay*

*hurdada casar kii lasexdo*
*habeenki laga sahraayoo*
*haasawaha loo huleeloo*
*habayno dhan la duuro*
*hablihii hore may aqoon*
*ileen hooya rabaaysayoo*
*habdhaqan kiyo wanaga*
*haawraar ugu sheegi jitay*

*hadana sabanada dhacaya*
*hooyoyinka saka joogaa*
*inay hablihii haleeyeen*
*hubaashii anaa qiraayaa*
*hadaladay yidhaahdaan*
*anaan hoganaynin maanto*
*hal halbaban uqeexii*

*madaan hooyoy dardaran*
*hablahaaga aan usiiniin*
*hugaa bilicdale balqado*
*hiigso hablaha cadaanka*
*haloowdana hooyo badii*
*halyeey aan dhoof ka imaan*
*haanbagtii lacagta wadaan*
*haasawaha ha ufur furiin*

*hadaan hadalkiyo kuragay*
*haawrar tiyo maansadayda*
*hadan soo afmeerayaayee*
*habluhu waa inay isdhawran*
*hilibkaa dibada yaaliyoo*
*horaadada ay baneeyeen*
*iyo hagoogta madaxa saran*

by Abwaanad Amran Xusein
♡♡♡♡♡♡♡♡♡♡♡

Jawaabt ( hablaa aabaa dayacay )

Indhowaydba heestiyo
Ma tuban heeladaydii
Hada maanso maan curi
Ma higaadin gabayoo
Waayaha herdamayiyo
Hawlaha aduunkaa
Hawada ilaa adoo
Hada oonka soon degay
Amran maansadeed helay
Hoyga fayska ka akhriyey
Hal abuurad inay tahay
Hidahana ku dhaadata
Hubaashii anaa qirayee
hordhucu yuu ila durkin
Aan hoos usoo dego

Hablii soomaaliyeed
Hankay weligood qabeen
Hidahay gada raacayee
Hooyaa ku ababinjirtoo
Hubaal macalimada ahayd
Hadeertona waasidii
Xilkeedii kamaysan hadhin
Hawraartii maysan dayn
Hayeeshee abii bal mee
Ku habsaanyey qaadoo
Hawshiisii baylihi
Keli noqotay hooyadu
U halgantay ubadkii
Hungurigiii udoontoo
Hadalkii samaa iyo
Hidihii usheegtoo
Hablo qaata aytiri
Iyana haleeyeen
Halkii kaga dhaqaaqeen
Hooyadu eedaa malee
Hablaa aabaa dayacay


Hubaal taasi waamayee
Adoo hawd abaarayaal
Haraadiyo oona qaba
Hayaan dheer inaad gashaad
Habeel laylku seexataa
Haday hogolkuuda doo
Haruu kuubuuxsadaan
Dhaqsaad ku hilmaami karay
Hooyooyinku waa gedaa
Haday habla fareen
Hanti wiilaan lahayn
Hooyooy dhaqaale wadan
Haasawaha haw furfurin
Hubaal waysaxan yihiin
Nimaan halo geelahay
Habeen aan quudinkarin
Haduu guursado tusaale
Inteebuu hayn karaa
Haduu soo furo hadhow
Halkeebaa hoy unoqon
hooyadu eedaa malee dee
Hablaa aabaa dayacay

Hadalku wuu ila durkee
Hablow waanadayda hooya
Hagoogta hatuurinee
Hilbaaa cawrada ar tura
Hadii aad sharaf rabtaan
Hanaan qurux aad rabtaan
Higsada qayrkiina wacan
Amran ay horseed utahay
Hadaad diidan warkayga
Halaag baa idiin danbayn

By abwaanxamse saciid maxamed(zayid)


(hablaha hooya halaysay)

*heelay weeye maansadu*
*hooyay ku socotaa*
*waa hadal.da.waynoo*
*haybad daa.in.weeyaan*
*hablaha ay ku dhaaftay*
*hal abuurada amran*
*heeda kale waxay tahah*
*xamse waa halyaay*
*wuuhagaa jiyoo saxay*
*hada sil silada socotee*
*ana hadalka yaan cunine*
*maan hoos usoo.dagoo*

*hablaha hooya halaysay*
*haneedka yadaa kuqaday*
*horaadka yada jaqsiisay*
*hadeerna yadaan rabaayn*
*yadaa tidhi hawdka xula*
*yadan.haybadoodi siin*

*hooyoyin iskuma jiraane*
*kuwii hore waa halyeey*
*haday joogaan huteelo*
*hugooda ma tuuri jiriin*

*hadana hooyada baljigta*
*dharkii waalaga huleelay*
*haday gabdhahooda dhisayan*
*halyayga inan ka guursada*
*hadeer gacmahay sudhaan*
*hooyoyin iskuma jiraane*
*haweenkii hore may aqoon*

*hooyadu hadaay wanaato*
*habluhu way wanaag sanan*
*habluhu edebtaada hooyo*
*marnaba kama hoogi jirine*
*hooyooy hablaheena wani*
*wanaagaga hanaanii*
*hantida inantad ladoontay*
*shukaasiga ku haraadaay*
*lacagtaa loo wada hamuumay*
*han iyo weeyaan xumaan*
*halaag iyo.ceeb laga dhaxka*
*hafeef iyo waa xumaatee*
*hooyooy hidaheena qaado

*hadalku yuu ila.fogaane*
*sidii habeed yaanan buqane*
*haween ciil.aan uqaboo*
*miyaan hadal.ku koobaya*
*hadeer iyo waa dantiiyee*
*hooyooy adigaa haldoora*
*halyeey adiga holada.udhiiba*
*hogaanka dadkiyo dhalanka*
*adaa soo habay dhamaan*
*adaa noo heesi jiraay*
*adaan kugu hiiranaayee*
*hooyooy haawshada gudoo*
*hablahana aan hal idhahdo
waa abwanada dada yar ee amran xuseen  oo ah shakhsi (Unique) ha oo runtii weli maan arag gab iyada leeg oo wax ka garanaysa suugaanteena hooyo , sidee doo kalena u ah hal abuur ama curin kara suugaanta noocyadeeda kala duwan  runtii ilaahay kumanaystay aftahanimo iyo mucjisooyinka suugaanta , markasta iyo mar walbana waxa ay suugaanteed kaga hadashaa waxa waaqica taagan ,

Monday, December 23, 2013

You can't force something to happen. You can only drive yourself crazy trying. At some point you just have to let go and let God. -Mandy Hale
(eng galaydh)
sheekadan soo socota waxaa loo adeegsan karaa marka qof uu ku xumeeyo hadana uu ku leeyahay ani kumaan xumaan oo daacad ayaan kuu ahay 
ayaad sheekadan usoo qaadan kartaa
Sheeko Cunug Yar Aya Wuxu Arkay Hoyadiis Uur Leh Markasu Dhahay
 “Hooyo Caloolsha Maxa Kugu Jira” Markase Tiri “Hooyo Walalka Baan Sida” Markasu Yiri “Hooyo Ma Jeceshahay” Haa Bee Tiri Intu Qoslay Kulaha “Hooyo Hadaa Jeceshahay Maxa U Cuntay Noh” hahahahaha (Author khadar) loooool
sheeko ila qosol ah
oo xan baarsan macnayaal farabadan iyo murtiba waxaana loo adeegsan karaa sida maahmaahda oo kale oo uduurxulaya qof ama cid khayaanoole ah oo iskadhigaysa in ay wanaagsan yihiin, xumaatona u qarsoontahay

Ninkii Bariiska ku gubtay

Maalin maalmaha kamid ah ayaa nin bariis aad u kulul cantuugay. markii uu afkii ka gubtay ayuu isyidhi hadii aad bariiska soo tufto dadka ayaa kula yaabi doona. markaas ayuu ku adkaystay inuu bariiska kulul afka ku celiyo oo kulaylka iska xamilo.

ninkii ayaa xanuun awgii ilmeeyay. Markaas ayaa wadaad soo hor fadhiyaa yaabay oo ninkii waydiiyay waar maxaa ku helay ood la ilmaynaysaa. Ninkii ayaa wadaadkii ugu jawaabay. nebigii ayaan yara xasuustay oo waan qiirooday!(csw)

Thursday, December 19, 2013

(Lasoo mar waqtiyo adag iyo jiilaal dheeraadey, lasoo mar murugo iyo uur kutaallo kala duwan, lagama sheekayn karo dhacdooyinkii foosha xumaa ee lasoo maray , waxaa dhacay wixii dhacay }


Marka ugu horeysa waxay mahadi usugnaatay ilaahay , marka xigtana nebigeenii suubanaa (N.N.K.H)
Waxaan kaloo u mahad celinayaa dhammaan shaqaalaha sharafta leh ee ka hawl gala websiteka can ka ah ee galgalanews waxaana leeyahay shaqada aad ummada u haysaan sii labanlaaba hana kadaalina marna.
Waxaan jeclahay in aan maqaal kan kaga hadlo, doorashada madaxtooyada puntland ee inagu soo fooda leh  oo ku began janaayo,8, 2014.
Waxaana ka soo wareegatay 5 sano xiligii doorashadii 2009 uu ku guuleystay madaxweynaha puntland  ee iminka wax tigiisii sii dhamaanayo ee dr c/raxmaan maxamed maxamuud faroole.

Hadaba akhristaw waxaan maqaalkan kaga hadli doonaa oo mudadaa shanta 5 sano ah muxuu faroole qabtay maxaase kharibmey oo dibudhac ku yimi. Yaase maanta hogaaminkara puntland oo u qalma.

Sidaan wada ogsoonahay intii xukuumada faroole ka arimineysay punland waxaa batay dilka lagula kacayo birimageydada iyo dadka shacabka ah oo wadooyinka ama istareydhada lagu laayey  hadh cad oo aaney jirin cidloosoo qabtey.
Waxaa batay budhcad badeednimada oo sharaftii puntland dhulka kujiidey, waxaa coloobey beelihii puntland ee walaaha ahaa ee wada deganaa dhulka puntland  oo maanta aaney jirin beelbeel lahadasha.
Xukuumada faroole waxey ballanqaadey wakhtigii ladooranayey in ay gobolka sool ee lascaanood gacanta dawlada dib ugu soo celindoonto taasina in aydhacdo daaye waxay kala fogeysey ku wii is ogolaa.
Dawladii dhameyd ee ka arimin jirtey shanta gobol waxay xukuumada faroole kusoo koobtay garoowe oo qudha.   Waxaa hubkii dawlada lagoostey dhalinyaradii markii uu wax mushahaaro ah lasiin waayey , arintaasna waxaa ku kelifey mushahaaro la’aan.

Cidkastoo kumucaaradana waxay xukuumada faroole ku tilmaantey ama ku shaanbadeysey alshabaabnimo iyo argagaxiso iyagoo wax kagaraadinaya  qaramadamidobey iyo dadka ladagaalama alqaacidada si ay uga helaan mucaawino , xukuumada faroole waxay ku keliftey maahmaahdii odhaneysey ( dad cadaabeed dalcadaabeed  baalaga doortaa e aan buuraha uguuro) waxaana dhexmartey sheekadii ahey sidatan:
Xukuumada faroole “waxaad tihiin asalraac  argagaxiso ah  waxeyna  ku jawaabeen  “inaanu xuquuqdayada iyo qismigaya udoodno hadey  kulanoqotey alshabaab iyo argagaxiso aan sidaa ku kalatagno “  taasina waata keentey wax wadahadal iyo waanwaan lagu dhameynlahaa in ay gaadho heerka ay maanta mareyso waxaynuna ku tilmaami karaa siyaasada indhala.

Xukuumada faroole maxay qabatey mudadey xilka heysey .
Ninka raga ah lama xaqiro waxaa uu qabtey waa looqiraa e xukuumada faroole  waxey xilka hanatey January 8,2009 kii, mudadaa shanta sano ah waxa uu isbedel lataabankaro kusameeyey  dhammaan siyaasada debedda ee puntland , waxa uu dhisey TV-ga iyo radio puntland , aftiuqaadista dastuurka iyo dhamaystirkiisaba wallow aaney bulshadu siweyn uga qeyb qaadan, waxaa kale oo uu ku amaanan yahay waxa uu dayactir iyo dhisidba kusameeyey dhammaan dhismayaasha dawlada puntland inkastaaney garoowe dhaafsiisneyn.
Waxaas oo dhana waxaa waka wanaagsaneyd  aminag iyo arimaha gudaha in ay xukuumaadu wax kaqabto.

Hadii xukuuumada faroole dib ugu guuleysato madaxtinimada maxaa dhici doona  
Soomaalidu waxay ku maahamaahdaa ( korwaayeel waa wada indho) shacabka puntland waa kadaaley siyaasada faroole wax kalsooni ah oo loohayaa majirto, hadaba hadii uu soo laabto oo uu dib ugu guuleysto hogaanka puntland waxaa dhici doonta in puntland bur-burto oo dagaalo sokeeye ka qarxaan (civil war) , waxaa sii badan doonta dilka iyo budhcadeynta, waxaa dhicidoonta in gobolo kale ku biiraan maamulka soomaaliland sida gobolka sool, waxaa dhicidoonta in aaney magaalona maaglo ugudbin oo ay colaabaan beelaha walaalaha ah ee wada dhistey puntland.

Si aaney taasi udhicin yaa uqalma ama u quman hogaanka puntland?
Waxaad moodaa in hadda yididiilo muuqato, hadana cabsiyo khataro hor lihi muuqdaan , waa sillan sugan wada togan.
Waxaa soo socda hawlo xusul duub loogu jiro doorashada waxaa loo baahan yahay in dabinkii shalay lagu dhacay aan maanta lagu dhicin , taariikhaha muuqda waa inaan wax kabaranaa.
Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa (kaldad laqa ulbaa leyskaga dayaa) akhristaw waxaynu kazoo hadaley waxa dhicidoona hadii faroole dib xilka u hanto inagoo kashidaalqaadaneyna ama kaduuleyna mudadii uu xilka hayey, wixii u qabsoomey aragney natiijada laga dhaxley xukuumada faroole oo caadeysatey kelitalisnimada iyo macangegnimada.

Waxaa maanta puntland  kajirta xaalad adag oo kudhow burbur iyo kala jaac oo u baahan samata bixin.
Waxaynu ubaahanahay halyey kasaara dalluunta dheer ee xukuumada faroole kuridey. Waxaynu ubaahanahey aftahan, indheergarad, aqoonyahan, dalka iyo dadka jecel oo isgau sooceliya dhammaan shantii gobo lee puntland laysku odhan jirey, maanta puntland waxay ubaahantahay geesi waan waan iyo wada hadal labilaaba wiilasha puntland udhashey ee bbuuraha golis jooga ee faroole ciilka badey kuna abuurey cadaawada iyo arxandarada, illeen waa tii hore looyidhi [aan wada hadalo waa aan wada heshiino}.
8, janaayo, 2014 puntland waxay ubaahantay shakhsi aqoon uleh siyaasada iyo sida loola dhaqmo bulshada iyo soo dhoweyntoodaba. Arintaasina waa tii kamaqneyd xukuumada faroole  ee ay kuweydey kalsoonidii shacabka.


Hadal haan mabuuxshee waxaan kusoo gebagebeynayaa maqaalkan baarlamaanka cusub ee puntland waxay metelayaan dhammaan shacab weynaha puntland waxana lagudboon in ay udoortaan hogaanka puntland shakhsi samata bixinkara kana saari kara wakhtiga adage e ey kujirto waana in ay u hiiliyaan isbedelka waatii soomalidu tidhi rag waa labo ( oo waa halyey iyo habacsane e) waxaynu maanta u baahnahay  halyey, habacsane waan kadaaley e, baarlamaanku waa in ay raacaan qaacidadii uu salad cali jeele sheegey ee ahayd ( lacagi waa cunis codkana anaa leh) markaa lacagi waa cunis codkana halyey inoo qalma doorta.




Monday, December 16, 2013

www.peacetv.tv
waaa xafladii lagu daah furey naadiga akhriska iyo qoraalka ee  ufo readers and writer club
waaa xafladii lagu daah furey naadiga akhriska iyo qoraalka ee  ufo readers and writer club
baro nolosha






What is life? is a question that people have responded in different ways

“She worked her toes into the sand, feeling the tiny delicious pain of the friction of tiny chips of silicon against the tender flesh between her toes. That's life. It hurts, it's dirty, and it feels very, very good.” 


“Do more than belong: participate. Do more than care: help. Do more than believe: practice. Do more than be fair: be kind. Do more than forgive: forget. Do more than dream: work.” 


“I want to feel all there is to feel, he thought. Let me feel tired, now, let me feel tired. I mustn't forget, I'm alive, I know I'm alive, I mustn't forget it tonight or tomorrow or the day after that.” 




“Blooming under a cold moon, we are like fireworks...
Rising, shining, and finally scattering and fading.
So until that moment comes when we vanish like fireworks...
Lets us sparkle brightly,
Always...” 



“Do anything, save to lie down and die!” 

“If you ask me what I came into this life to do, I will tell you: I came to live out loud.”

Somebody should tell us, right at the start of our lives, that we are dying. Then we might live life to the limit, every minute of every day. Do it! I say. Whatever you want to do, do it now! There are only so many tomorrows.”




“Don't fear death, fear the un-lived life




“Whoever uses the spirit that is
in him creatively is an artist. To
make living itself an art, that is
the goal.” 


"Become major, Paul. Live like a hero. That's what the classics teach us. Be a main character. Otherwise what is life for?

“Your life is a book; make it a bestseller.” 

“I gave you life. You’re wasting it.” 

“Anyone who believes that a second is faster than a decade did not live life.”


“Live as big as you can, with what you've got.” 



“Live life to it's fullest or it may seem like you died young.” 


“The powerful play goes on and you may contribute a verse.”



“Live each day as if it’s your last’, that was the conventional advice, but really, who had the energy for that? What if it rained or you felt a bit glandy? It just wasn’t practical. The trick of it, she told herself, is to be courageous and bold and make a difference. Not change the world exactly, just the bit around you. Go out there with your double-first, your passion and your new Smith Corona electric typewriter and work hard at … something. Change lives through art maybe. Write beautifully. Cherish your friends, stay true to your principles, live passionately and fully and well. Experience new things. Love and be loved if at all possible.” 





“When you spend time worrying, you’re simply using your imagination to create things you don’t want.” 




“I have lived my life backwards as compared to my peers. Everyone did incredibly stupid things as teenagers and pre-teens. I didn't. I was the one telling everybody that they were incredibly stupid. Now that they are all past that stage and we are all much older— I am the one doing incredibly stupid things. I have figured that I've earned that right, by now! You have to earn the right to be stupid.” 




“I don't know how one should live - but I know that one should live.....” 

“As long as you're alive, there's always a chance things will get better.” 

“I don't want to survive, Will, I want to live!” 



“We need to embrace every day and enjoy it as much as we can.” 




                                          quotes about life
1)“If there's one thing I learned, it's that nobody is here forever. You have to live for the moment, each and every day . . . the here, the now.” 
2)“Do anything, but let it produce joy.” 
3)“The purpose of morality is to teach you, not to suffer and die, but to enjoy yourself and live.” 
4)“These are the days that must happen to you.”

Wednesday, December 11, 2013

Think about your future to win, prepare what you want to do,
 

suugaantu is honey, suugaantu is wise, others are ancient dialects is he said,

marka hore  waxaan u mahad celinayaa allah oo iisuurageliyay in aan soo ururiyo suugaantan aan jecelahay in aan kusoo gudbiyo my own page kan, waxaana kasoo ururiyay nabadoon yaasiin cali muuse oo ah mu fakar, indheer garad, xilkas jecel in uu sida tiraabta oo kale ugu sheekeeyo suugaanta,

waxana uu leeyahay suugaan aad ufarabadan oo isugu jirta inta suugaantu kakoobantahay,
hadal haan mabuuxshee ila akhriso gabaygan inau soo fooda leh.
 caaqilku waxa uu gabaygan tiri yay  1990 bishii 7aad wuxuna xiligaa uu tirinayay gabaygan joogay magaalada xamar ee caasumada somalia , hoteelka dabka, dabaqa saddexaad .
 waxana uu gabaygan kula hadlayay odayaal uu siyaad bare  udiraya meesha lagu magacaabo Wanaagsan oo lagu heshiisiinayay beelaha somaliyeed, ama loogadanlahaa in dawlada iyo beelaha laysugu soo dhoweeyo.

waxana uu gabaygiisii kubilaabay:

1) kuwa wanaagsan tegayaw waxaan idinku sii waanshey.
2) walaal nimadii soomaaliyeed waxay laweydowday
3) oo ay ukala waabatay oo kala wadeecayey.
4)  waxa wada jirkeenii haligay wegerta soo sheega
5) waxa waalid iyo wiil yar tirey ee wehesha soo sheega.
6)  wadanakeena waxa baday waqlaha waalaya ogaada.
7)  waxa reer waqooyi ululamay ee loo wanjalay keena.
8) maxaa gacal shisheeya ha u wada  oo waadiyaha dhaafshey.
9) nin waliba wuxuu wado waxbuu idinla weyneyn e.
10) wixii wax ah ka raaca iyo waxay waayo ku abaado.
11) oo waayeelka meel loodiraw weedha wacan raaca.

Monday, December 9, 2013

mataqaanaa saddexda shey ee aanad weligaa samayn karin ama waxkastoo dhaca

waa maxay ereyga guul?
 waa su aal is waydiin leh
Macnaha guusha iyo wadada loo maro

Macnaha erayga ‘guul’ waa mid qarniyadii tagay siyaabo kala duwan loo isticmaali jiray marka aad fiiriso dhanka Greek-ga (Nike) iyo dhanka Roman-ka (Victoria). Basle macnaha guud ee eraygaan wuxuu yahay: gaaritaanka ujeed aad horey u iclaantay. 

Hadaba sidee lagu xaqiijin karaa in aad gaadhay ujeedkaagii? Waana su’aashaan midda micnaha erayga ‘guul’ aad u adkeysay.

Tusaale:
Dowlada Itoobiya waxay sheegatay guul in ay ka gaadhay dalka Somaliya. Dad badan waxay sheegeen Itoobiya in ay Somaliya kala kulantay guul-darro iyagoo markaa soo bandhigay sawiro muujinayo tirada ciidamda Itoobiya ee lagu dilay dalka Somaliya.
Waxaa halkaan kaaga muuqan karo in ay adag tahay mideynta argtida labo qeyb oo iska soo horjeeda ay ka qabaan guul ama guul-darro.

Xaqiijinta guusha
Hadaba xaqiijinta guusha yaa iska leh? Xafiis xaqiijiyo guulaha ma jiraa oo la tagi karo? Mararka qaar waxaad moodaa wargeysyada aduunka ugu weyn in ay yihiin xafiisyada xaqiijiya guusha. Iyagoo markaa u maarqaati kaco in Mareykanka uu guul ka gaaray dalka Ciraaq inkastoo dadka intooda badan ay qabaan in Ciraaq uu Mareykanka guul-darro kala kulmay.
Wargeysyada intooda badan hadda wey isku raaceen in Ciraaq aan guul laga gaarin, balse dowlada Mareykanka wali waxay ku adkeysaneysaa in ay guuleysteen.

Wargeysyada
Sandahaan dambe waxay siyaasiinta intooda badan adeegsadaan wargeysyada iyagoo markaa guul-darradooda u badalo guul. Mar hadii ay gurbaanka kuu tumaan wargeyso badan, dadka intooda badan waxay xaqiijin doonaan in aad guuleysatay madaama wargeysyo badan ay quushaada xaqiijiyeen.
Codka shacabka waa muqaddas marka la rabo in guul la xaqiijiyo. Waad la socotaa waji gabaxnimada uu madaxweynaha Mareykanka la kulmay markii uu kaligii ku adkeystay in uu Ciraaq iyo Afghanistan guul ka gaaray iyadoo shacabweynaha ay isku raaceen in uu guul-darrro la kulmay. Qofka sida joogtada ah u sheegto guulo uusan gaarin, waxaa hubaal ah in asxaabta u la shaqeeyo ee sportiga, siyaasada, dagaalka iyo masrax walba uu ka shaqeeyaba in ay iska fogeynayaan. Qofka nuucan ah intabadan waxaa lagu tilmaamaa qof xanuunsan oo hadalkiisa uusan sal lahayn.

Shuruudaha guusha ee qarnigaan:
Heysashada ujeed cad oo hore loo iclaanay
Gaadhista ujeedka
Sheegashada guusha
Wargeysyada oo durbaanka kuu tumo
Shacabka oo kuu ogolaado guusha

Muqaddas maahan in aad qodobadaan kor ku xussan aad la fulisid koox. Inkasta oo ay adag tahay, hadana waa suuragal in qof kaligii uu qodobadaan fuliyo.

Guul-darro iyo arimaha Somaliya
Marka hore aan si kooban kuugu dulmaro sababta arimaha Somaliya guul looga gaari la’yahay.
Sida aan qeybta kore ee maqaalka ku xussay, wey adag tahay in laba qeybood oo warran iyo gashaanka isla dhacaya ay isku raacaan qofka ay guusha raacday isla markaana uu mid xaqiijiyo guusha uu qofka kasoo horjeedo gaadhay. Hadaba siyaasiinta Somaliyeed waxay ku hawlan yihiin in arimaha Somaliya guul ka gaadhaan, iyagoo markaana rabo in guusha ay raali ka ahaadaan isla markaana xaqjiiyaan una marqaati furaan dalal ay Itoobiya ugu horeyso.
Runtii aad ayey u adag tahay in Somalida iyo dowladaha daris isku sheega ah ay ku midoobaan aragtida guul ama guul-darro marka laga hadlayo arimaha Somaliya, waayoo dowlada iyo horumarka ay rabaan shacabka Somaliya waa mid ay dowladahaan daris isku sheega ah aan raali galin. Itoobiya hore ayey si cad ugu sheegtay in Somaliya aysan ka hawl gali karin dowlad aan aheyn waxa ay ugu yeereen ‘friendly government’ oo ay ula jeedaan mid hoos timaada dowlada Itoobiya.

Marka qaladka kowaad waa qancinta iyo raali galinta dowladaha daris isku sheega iyo quwadaha maal galiyo oo uu Mareykanka ugu horeeyo. Ma dhici kartaa in dowlad ay cadaawad kala dhaxeyso Somaliya ay xaqiijiyaan guusha ay gaadhaan dadka ama dowlad Somaliyeed?

Qaladka labaadna waa maqnaasha codka shacabka Somaliya. Siyaasiinta waxay ilaabeen muhiimadda codka shacabka ay ‘maamulaan’ iyagoo har iyo habeen ku hawlan helida xaqiijin ‘guul’ oo ay ka helaan dowlado shiysheeye. Waxayna siyaasiintaan Somaliyeed safar cirka ah ku aadan 4ta jiho si ‘guusha’ ay gareen ay xaqiijin shisheeye ugu helaan. Siyaasiintaan Somaliyeed waxaad ku arkeysa gegida duyuuradaha caalamiga iyagoo duyuurad walba oo safreyso rabaan in ay ka dhax muuqdan. Qaarkood waxay habeen walba jiiftaan mid ka mid ah garoomada duyuuradaha ee Europe. Waxaana subixii halkaa ka eryo shaqaalaha garoomada, intaa kadina waxay iyagoo ilka ruman, wajigan iska dhaqin u tuugsi tagaan siyaasinta reer Europe iyagoo lacag iyo xaqiijin guuleed rabo in ay ka helaan.
Siyaasigaan marka uu dalka Somaliya ku laabto wuxuu qabanayaa shir jaraa’id, isagoo markaa ka faaloodo halka uu tagay, duyuurada uu raacay midibkeedi iwm ah.
Dhawr bilood ka hor waxaa dhacday in haweenay Kenya ku leh hotel ay afduubato
siyaasi Somaliyeed, oo ay ammartay in uusan ka bixi karin maqsinka uu ku jiro oo lagu qufulay. Arintaan waxey ka dambeysay kadib markii uu siyaasigaan waayey lacag uu ku bixiyo kharashkii ku baxay dhawrka bilood ee uu joogay hotelkaas. Sumcad-darrada ay siyaasiintaan ku hayaan Somaliya maahan mid loo dulqaadan karo!

Wadada guusha iyo arimaha Somaliya

Waa in la helo qof ama koox ujeed cad usoo bandhiga shacabka. Qofkaan ama kooxdaan waa in ay si dhab ah isug hawlaan sidii ay ujeedkooda uga rumayn lahaayeen, loomaha baahna sida siyaasiinta haatan jira, in subax walbo ujeed cusub la yeehso oo la dawakhiyo shacabka. Marka ay guusha garaan waxaa muqaddas ah in si wada jir ah guusha u sheegtaan isla markaana ay helaan shacab u ogolaado guusha una xaqiijyo iyo waliba wargeyso durbaanka u tumo oo xusso guusha ay kooxda gaadhay.
Ma’ahan oo kaliya qofkaan ama kooxdaan in xaqiijinta guushooda ay ku kooban tahay oo kaliya gobolka uu kasoo jeedo, ee waxaa loo baahan yahay in ogolaasho iyo xaqiijin uu ka haysto inta badan gobolada Somaliya.

Marka aad baarto qaabka ay Somaliya uga talaabtay xaaladihii adkaa ee soo maray, waxaad arkeysa in mar walba uu qof ama koox ay u istaagi jireen sidii guul lagu gaari lahaa. Waxaana marwalba istaagaan guusha loo istaago bilaabi jiray hal qof oo kaliya. Bal dib ugu noqo qaabka ay Somaliya guul uga gaadhay gumeysigii soo maray. Sidoo kale dib ugu noqo sida ay wadama Europe ku gareen guusha iyo nabada.

Wadan walba oo horumar iyo nabad ka jirto waxaad arkeysaa in dad ama shaqsiyaad gaara ay usoo dhibaatoodeen.

Ugu dambeyn
Wadad guusha maahan mid sahlan. Waa mid inta badan cadaw iyo colaad lagala kulmo. Waa mid u baahan karti, dulqaad iyo wada shaqeyn aaminaad ku saleysan.
Waxaase hubaal ah in wadada halka ay ku dhamaato kala kulmi doontid wax wanaagsan oo ku ilawsiiya cadawga iyo colaada aad la kullantay intii aad dhax kusoo jirtay. Safarka wadadaan waa mid u baahan dulqaad oo lala matali karo waraabinta geed aad abuurtay oo aad subax walbo waraabiso, si dhawr sano kadib cadceeda looga harsado.