thinking |
waa maxay cilmi nafsigu?
Cilmu nafsi waa cilmiga nafta lagu dhaqo lagu ogaado in ay bugto iyo inkale markaas dadka
Cilmu nafsi waa cilmiga nafta lagu dhaqo lagu ogaado in ay bugto iyo inkale markaas dadka
somaliga kuhadlaa aad ayay ugu baahanyihiin in ay wax kabartaan cilmiga nafta waayo
somliya lagama yaqaano qofkasta oo cilmiga nafta ubaahan ama xanuun nafsi ahi
uu hayaa waxaa loo yaqaanaa(nacas),ama qof waalan. Sidaa awgeed baa laga
yaabaa dad badan oo xanuun nafsi ahi hayaa inaanay garan ama haddii ay
dhakhtar la xidhiidhi lahayeen ka baqda in waali lagu tuhmo ama tilmaamo
sidoo kale cilmi nafsiga waxaa lagu macneeya ain uu saldhig un yahay in
qofku isku qaato wax uusan aheeyn Cilmi nafsigu waa barashada nafta iyo
dabeecadeheeda iyadoo laga eegayo dhinacyo badan waxaa la ogaadaa
naftu waxay diidayso iyo waxay doonayso iyo siday jawaab uga bixiso waxa
la soo dersa oo jawaab bixintaasi isugu jirta mid dareen ah iyo mid hadal
ama fal ay u soo gudbiso,haddaba nafba nafta kale sababaha ay uga gedisan
tahay marka loo eego dhaqanka iyo dabeecada u gaarka ah waxaa dib loogu
celiyaa oo loo sababeeyaa taariikh nololeedkeedii iyo waxyaalihii ay hore ula
soo kulantay oo isugu jira deegaanka ay naftaasii ku noolayd iyo dadka ay
la soo dhaqantay sidoo kale aqoon iyo waayo aragnimo nooca ay soo
kasbatay ilaa iyo taariikh nololeedkeedii iyadoo naftu ku salaynaysa
macluumaadka ku kaydsan maskaxdeeda ayaa nooca jawaab bixinteedu ku
aroortaa hadba qarada iyo tayada iyo nooca ay kayd ahaan maskaxdeeda
ugu hayso,haddaba waxa qofka la soo dersa oo Ingiriisiga la yidhaahdo
effect,Carabigana musiir waxa jawaab celinta la yidhaahdaa react(ion)
Carabigana mustajaab,waa waxa qofka ku soo derinaya iyo siduu ula
dhaqmayo ama jawaab bixintuu keenayo,sidaynu hore u soo tilmaannay
jawaab bixinta qaabkeeda iyo dabeecadeedu waxay ku xidhan yihiin oo
dib ugu noqonayaan macluumaadka ku kaydsan qofkaa maskaxdiisa ha
ahaadeen kuwo cilmi ah ama kuwo waayo aragnimo oo uu soo kasbaday noloshiisa.